Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow CADDE MUUSE:Itoobiya Nama Xukunto
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:234
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:105
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:93
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:417
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 01 2008
CADDE MUUSE:Itoobiya Nama Xukunto
Written by Ali Moallim   
Tuesday, 01 July 2008

Garowe, (insidesomalia.org) - Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen. Maxamuud Muuse Xirsi Cadde Muuse oo maanta u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa wuxuu hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luulyo aawgeed.

Jen. Cadde Muuse waxaa uu sheegay in markii ay Soomaaliya Xornimada ka qaadatay Gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga, isla markaana ay midoobayeen Gobollada Waqooyi iyo Koofur uu ahaa Arday, isla markaana uu xusuusto sidii uu xiligaas ahaa Xaalka Soomaaliya.

“Waan xusuustaa heesihii Xornimada loo qaadayay iyo weliba kuwii Calanka loo qaaday, aad baana u farxaa marka aan maqlo suugaanta ku saabsan xornimo-qaadashadii Soomaaliya sababtoo ah waan u soo joogay”ayuu yiri Jen. Cadde Muuse Xirsi oo shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay in ay sanadkan kiisa kale ku gaaraan nabadgelyo iyo barwaaqo.

Dhanka kalena Jen. Cadde Muuse Xirsi oo wax laga weydiiyay arrimaha ku saabsan Ammaanka Deegaannada uu ka taliyo Maamulkiisa, wuxuuna sheegay in Ciidamada Maamulkiisa ay dadaal ugu jiraan sidii ay Amniga u hanan lahaayeen, wuxuuna falal nabadgelyo darro ah oo Puntland ka jira uu u kala saaray kuwo uu maamulkiisa wax ku leeyahay iyo kuwo dibadda uga yimid.

Waxaa wax laga weydiiyay sida uu u arkayo wararka sheegaya in Soomaaliya ay xiligan dib ugu noqotay xiligii xoriyad-qaadashada ka hor, isla markaana ay dalka heystaan Ciidamo Itoobiyaan ah, wuxuuna ku jawaabay “Itoobiya nama xukunto, Wadankeena annaga ayaa xor u ah, annagaa wadana, dhibaatooyinka dhacaya ee ka socda Puntland waa wax gudaha ah iyo bannaanka nalooka keenay oo kheyraadkayaga nagula dagaalamayo, waa jirtaa in ay Itoobiya dhinaca tababarrada naga caawiso balse maamulka Puntland ayaa xukumata, haddii aad Xamar ka hadleysid ma aqaano”.

Waxyaabaha keenay amni darrada ka jirta Puntland ayuu ka hadlay wuxuuna sheegay in ay arrimahaas salka ku hayaan Burcad Badeedka, Af-duubyo ay geystaan kooxo burcad ah iyo Ciidamadii oo aan xuquuqdooda helin oo aan howsha sidii la rabay u gudan karin, wuxuuse sheegay in arrimaha nabadgelyada wax laga qaban doono.

“Waagii hore Odayaasha, Cuqaasha iyo waxgaradka ayaa dadka xukumi jiray, Maanta dhibaatada weyn waxa weeye ninkii wax heysta ayaa wax xukuma, ninkii wax heystana wuxuu rabaa in ay wixii saa’idaan ee ma rabo wax wanaag ah iyo in nabad laga shaqeeyo, laakin mid baan ogahay shacabka waa sidiisii aad buu u fiican yahay laakin baahi baa jirta oo ay dadka isku leynayaan; ninkii wax heystow haddii aadan nabadda ka shaqeyneynin halkee baad ku cuneysaan waxa aad heysato”ayuu yiri Madaxweyne Cadde oo sheegay in haddii caddaalad wax lagu maamulo oo guddiyada amniga waxooda loo dhameeyo in amniga la sugi karo.




Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >